Banaan bax cabasho ah oo maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho

Darawalada gaadiidka loo yaqaan BL-ka ee ka dhax shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maalintii sadexaad waxa ay dhigayaan banaan bax ay uga cabanayaan wadooyinka xiran ee magaalada iyo canshuur lagu soo kordhiyay.

Qaar kamid ah darawalada gaadiidka BL-ka oo watay gaadiidkooda ayaa saakay isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon , waxa ayna halkaasi ku muujinayeen cabashooda ku aadan wadooyinka xiran .

Mid kamid ah darawalada ayaa sheegay in ay ka cabanayaan wadooyinka magaalada ee xiran kuna adkaatay in ay ku dhax shaqeeyaan magaalada , waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ka cabanayaan canshuurta badan ee laga qaado iyaga oon shaqo fiican heyn.

Darawalada gaadiidka BL-ka ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa ay banaan baxyo cabasho ah ka dhigayeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir ayaana ku guul dareestay wax ka qabashada cabashada darawalada.

Dowlada ayaa candhuuro isugu jira mid maalinle ah iyo mid sadexdii bilbo mar la qaado ka qaadata gaadiidka BL-ka, hada gaadiidkaasi ma heestaan wadooyin ay ku shaqeestaan maadaama wadooyinka la xiray loona ogoleyn in ay magaalada u kala gudbaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -